Maresca Oo Magacaabay Xiddig Badali Doona Moises Caicedo

Tababaraha Chelsea, Enzo Maresca, ayaa shaaca ka qaaday in Andrey Santos uu diyaar u yahay inuu booska Moises Caicedo kaga ciyaaro kooxdiisa.

Maresca waxa uu hadalkan ka sheegay wareysigiisii ka hor-ciyaarta ee kulanka Chelsea iyo Leeds United ee Premier League oo dhici doona Caawa.

Xasuuso in Caicedo uu wajahayo ganaax saddex kulan ah kaddib markii uu kaarka cas qaatay kulankii Axadda ee ay Arsenal ku wajahdey garoonka Stamford Bridge. Xiddiga reer Ecuador ayaa laga saaray ciyaarta intii lagu guda jiray barbaraha 1-1 ah ee Chelsea iyo Arsenal.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga