Arne Slot Oo Xaqiijiyay Dhaawac Soo Gaadhay Xiddig Kooxdiisa Ah.

Arne Slot ayaa sheegay in daafaca Liverpool ee Joe Gomez uu usbuucii hore cirbad lagu duray jilibkiisa.

Inkasta oo Gomez uu asal ahaan yahay daafac dhexe, haddana waa ikhtiyaar lagu isticmaali karo garabka midig, waxaana la filayay inuu ku bilowdo ciyaartii Premier League ee ay Nottingham Forest ka badisay Reds.

Iyadoo Jeremie Frimpong uu hadda ka maqan yahay dhaawac muruqa bowdada ah (hamstring), mushkiladdii daafaca midig ee Liverpool ayaa sii xumaatay intii lagu jiray fasaxa caalamiga ah, kadib markii Conor Bradley uu soo gaaray dhaawac cusub oo la filayo inuu garoomada ka maqnaado saddex toddobaad.

Si kastaba ha ahaatee, kulankii Forest, Slot wuxuu mar kale doortay inuu Dominik Szoboszlai u adeegsado daafac kumeelgaar ah.

Tababaraha reer Holland ayaa tan iyo markaas bixiyay sabab uu Gomez uga tagay shaxda, wuxuuna sheegay in xiddiga 28-jirka ahi uusan hubin inuu ku bilowdo ciyaarta caawa ee Champions League ay la leeyihiin PSV Eindhoven.

“Waa mid ka mid ah shanta daafac ee aan hayno,” ayuu Slot ka sheegay shir jaraa’id.

“Caadi ahaan faahfaahin intaas le’eg ma bixin lahaa, laakiin usbuucii hore waxaa jilibkiisa lagu duray cirbad.”

“Sidaas darteed, taas micnaheedu waa in caadiyan aysan ahayn wax aad waxba ka dareemi weydo”

“Marka laga soo tago aniga oo laga yaabo inaan go’aansaday inaan Dom ama qof kale ka ciyaarsiiyo booskaas, arrintu sidoo kale waxay la xiriirtaa isaga oo aan si buuxda u diyaarsanayn”

“Inkasta oo uu kooxda la safri doono berri, sida uu uga qayb ahaa Sabtidii. Laakiin toddobaadkii hore ma uusan awoodin inuu tababar qaato”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga