Martin Odegaard ayaa laga yaabaa inuu sameeyo muuqashadiisii ugu horreysay ku dhowaad laba bilood, marka Arsenal ay la ciyaarayso Bayern Munich.
Kabtankooda, Odegaard, wuxuu ka maqnaa garoomada tan iyo bilowgii bishii hore kadib markii uu jilibka ka dhaawacmay.
Si kastaba ha ahaatee, ciyaaryahanka reer Norway ayaa ka qeyb galay tababarka galabnimadii salaasada, waxaana la filayaa inuu ku jiro kooxda Arbacada marka Gunners ay martigelinayaan Bayern.
Mikel Arteta ayaa Xaqiijiyay in uu xiddiga khadka dhexe ka qayb qaadan doono Kulanka ay Kooxdiisu la ciyaarayaan Bayern.
Arsenal wali waxa ka maqnaan doona xiddigaha Gyokeres iyo Haverz.
Shaxda Ay Arsenal Kaga Hor tagi karto Bayern Munich.
Raya; Timber, Saliba, Hincapie, Lewis-Skelly; Eze, Zubimendi, Rice; Saka, Merino, Trossard.
Be the first to comment