Weeraryahanka Liverpool Mohamed Salah ayaa seegi doona kulanka ay Masar la ciyaarayso Cape Verde Isniinta, sida lagu sheegay war rasmi ah oo kasoo baxay xulka Masar.
Si kastaba ha ahaatee, taageerayaasha Liverpool waa inaanay walwalin, maadaama xiddiga weerarka uu kaliya nasasho u helayo kulanka labaad ee fasaxa caalamiga ah ee November.
Masar ayaa bishan ka qeyb-galaysay Al Ain International Cup oo ka dhacaysa Imaaraadka Carabta, iyagoo wajahay Iran, Uzbekistan iyo Cape Verde tartan saaxiibtinimo oo ay ka qeyb yihiin afar xul.
Waxay semi-finalka Jimcihii la ciyaareen Uzbekistan, waxaana Salah ciyaaray 90-ka daqiiqo oo oo dhan.
Hase yeeshee, Masar ayaa la kulantay guul-darro lama filaan ah oo 2-0 ah, taasoo ka hor istaagtay inay galaan finalka ay Iran la ciyaari lahayd.
Taas badalkeeda xulka Masar ayaa Isniinta la ciyaari doona Cape Verde kulan loogu tartamayo kaalinta saddexaad, waxaana lagu go’aamiyay in Salah la siiyo nasasho kulankaas darteed.
Xiriirka Kubadda Cagta Masar (EFA) ayaa xaqiijiyay maqnaanshihiisa, iyagoo Sabtidii fiidkii soo saaray war rasmi ah oo arrintaas lagu caddeeyay.
Warkan ayaa u fiican Liverpool iyada oo uu Salah heli doonaa maalmo nasasho ah ka hor dib u bilaabashada kulamada premier League.
Be the first to comment