Wayne Rooney Oo Magacaabay Xiddig Aan Xulka England Kala Qayb Gali Doonin Koobka Adduunka.

Xidigii hore ee England iyo Manchester United, Wayne Rooney, ayaa sheegay in Jack Grealish uusan awoodi doonin inuu boos ka helo liiska xulka Koobka Adduunka ee Thomas Tuchel.

Rooney wuxuu sidaas yiri kaddib markii uu daawaday guushii 2-0 ee England ay ka gaartay Serbia.

Laba ciyaaryahan oo asal ahaan Nigerian ah, Eberechi Eze iyo Bukayo Saka, ayaa min hal gool dhaliyay, taasoo England u xaqiijisay guusha kulankii ka dhacay Wembley fiidnimadii Khamiista.

Grealish laguma arag xulka England tan iyo markii uu Tuchel xilka qabtay, inkastoo uu xilli-ciyaareedkan nolol cusub ka helay Everton oo uu amaah ugu ciyaarayo.

Rooney waxa uu aaminsan yahay in waqtigu hore u dhammaaday marka la eego fursadda Grealish ee xulka.

“Jack Grealish wuxuu hadda bilaabi karaa inuu fasaxiisa xagaaga qabsado, sababtoo ah isagu kooxda wuu ka maqan doonaa,” ayuu Rooney ka yiri The Wayne Rooney Show.

“Waxaad arkaysaa Andy Gordon oo ka baxay kooxda, haddana isaguna (Grealish) lama soo wicin, sidaas darteed waxaan u malaynayaa in Thomas Tuchel si buuxda u go’aansaday.”

“Anigoo kale, fasax usbuuc ah ayaa ku filnaan lahaa in la siiyo Harry Kane inta lagu jiro kulamadan caalamiga ah. Isagu uma baahna inuu halkaas joogo,” ayuu Rooney raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga