Riccardo Calafiori ayaa ku laabtay Arsenal kadib markii laga saaray kulanka is reeb-reebka koobka adduunka ee uu xulkiisa Italy sabab la xidhiidha dhaawac miskaha ah.
23-jirkan ayaa seegay guushii 2-0 ee Italy ay ku gaartay Moldova Khamiistii, balse tababaraha Italy Gennaro Gattuso ayaa rajeynayay inuu heli doono difaaca Arsenal kulankooda ugu dambeeya ee isreebreebka Koobka Adduunka oo Axadda ay la ciyaarayaan Norway.
Si kastaba ha ahaatee, Gattuso ayaa Sabtida shaaciyay in aanan halis loo gelin doonin Calafiori kulanka Norway, waxaana xiddigu haatan ka baxay liiska xulka.
Be the first to comment