Matheus Cunha ayaa qosol kaga jawaabay kadib markii taageere Arsenal ah uu weydiiyay goorta uu uga tagayo Manchester United si uu ugu biiro Gunners.
United ayaa Cunha ku soo qaadatay £62.5 milyan xagaagii kaga soo biiray Wolves, waxaana 26-jirkan si degdeg ah uga mid noqday xiddigaha muhiim u ah weerarka cusub ee Ruben Amorim.
Arsenal sidoo kale waxay isku dayday inay la saxiixato Cunha xagaaga, balse Mikel Arteta wuxuu doorbiday inuu xoojiyo weerarkiisa isagoo keenay Viktor Gyokeres, Noni Madueke iyo Eberechi Eze.
Cunha wuxuu haatan ku sugan yahay London isagoo la jooga xulka Brazil oo u diyaar garoobaya inay Sabtida kulan saaxiibtinimo ku wajahaan Senegal garoonka Emirates Stadium.
Be the first to comment