Mikel Arteta Oo Walaac Ka Muujiyay Xaalada Laba Xiddig Oo Kooxdiisa Ah Ka Hor Kulanka Burnley.

Mikel Arteta ayaa bixiyay war cusboonaan oo walaac leh oo ku saabsan xaaladda caafimaad ee Gabriel Martinelli iyo William Saliba ka hor kulanka Arsenal iyo Burnley.

Arsenal ayaa haysata fursad ay ku kordhiso guulahooda xiriirka ah ilaa sagaal kulan isla markaana ay farqiga hoggaanka Premier League ku sii ballaariso marka ay booqdaan garoonka Turf Moor Sabtida.

Gunners ayaa si dirqi ah uga adkaatay Crystal Palace toddobaadkii hore garoonka Emirates, waxaana ay hadda afar dhibcood ka horreeyaan kooxda ku jirta kaalinta labaad ee Bournemouth, iyadoo kooxahooda kale ee tartanka kula jira ay xaalad adag ku jiraan.

Burnley ayaa isna qaab fiican ku jira, iyagoo guuleystay labadii kulan ee ugu dambeeyay taas oo ay shan dhibcood uga sii dheereeyeen aagga soo degista.

Arteta ayaa wajahaya kooxda Clarets isagoo aan heli doonin ugu yaraan mid ka mid ah ciyaartoydiisa ugu muhiimsan, isagoo xaqiijiyay in Martinelli uusan diyaar u ahayn in la xusho maadaama uu weli ka soo kabanayo dhaawac aan si rasmi ah loo shaacin.

Weeraryahanka ayaa la arkay isaga oo dhutinaya markii uu ka baxay garoonka kulankii ay Arsenal ka badisay Crystal Palace ka hor inta uuna seegin kulankii Brigton ee Arbacadii.

Arteta ayaa sheegay inuusan hubin inta uu Martinelli garoomada ka maqnaan doono.

Tababaraha ayaa sidoo kale walaac ka qaba xaaladda caafimaad ee daafaca dhexe Saliba, kaas oo lagu qasbay in lagu beddelo waqtiga nasashada kulankii ay la ciyaareen Eagles.

“Ma jiraan [dhaawacyo cusub], waxaan filayaa inaan weli haysano kuwii hore,” ayuu yiri Arteta shirkiisa jaraa’id ee ka hor kulanka Jimcihii.

“Martinelli wali wuu maqan yahay, welina ma naqaan [inta uu maqnaan doono], laakiin kulankan waa mid ku hore”.

“Saliba waa inaan sugnaa oo aan aragnaa. Waxaan haynaa tababar kale galabta.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga