Sida uu sheegay kabtankii hore ee xulka Super Eagles ee Nigeria, Gunners waxay haystaan kooxda ugu xoogga badan marka la barbar dhigo kooxaha kale waqtigan.
Obi Mikel ayaa sidaas sheegay isagoo ka falcelinayay guuldarradii 2-1 ee Chelsea ka soo gaartay Sunderland ciyaar ka tirsanayd Premier League toddobaadkii dhammaaday.
Wuxuu yiri Obi Mikel intii uu ku jiray barnaamijkiisa The Obi One Podcast isagoo ka hadlaya guuldarrada Chelsea:
“Waxaan horey u sheegnay in haddii ay jirto koox ku guuleysan karta Premier League xilli ciyaareedkan, waa inay noqotaa Arsenal. Waxay haystaan kooxda iyo keydka ciyaartoyda ugu fiican.”
Kooxda Arsenal ayaa 4 dhibcood oo cadaan ah ku hogaaminaysa horyaalka premier League iyaga oo ka horeeya kooxda Bournemouth halka ay 6 Iyo 7 dhibcood ka horeeyaan Man City Iyo Liverpool sida ay u kala horeeyaan.
Be the first to comment