Tababarihii hore ee West Ham, Alan Pardew, ayaa sheegay in Manchester City ay tahay kooxda ugu weyn ee Arsenal kula tartamaysa horyaalka Premier League-ka.
Kooxda Arsenal ayaa hadda afar dhibcood ku hogaamineysa horyaalka.
Laakiin waxay lix dhibcood ka sarreeyaan Manchester City, oo Axadii 1-0 guuldarro kala kulantay kooxda Aston Villa.
Arsenal sidoo kale waxay toddobo dhibcood ka horreeyaan kooxda difaacanaysa horyaalka, Liverpool.
Inkasta oo Manchester City guuldarro 1-0 ah kala kulantay Aston Villa, haddana Alan Pardew wuxuu weli filayaa in City ay “tartanka si adag ugu soo laaban doonto.”
Pardew ayaa yiri isagoo la hadlayay talkSPORT:
“Waa lama huraan in la dareemo cabsi ah in Man City ay tartanka ku soo laaban doonto. Waxaan aaminsanahay in ay wadaan tartan weyn inkastoo ay guuldaro kala kulmeen Aston Villa, dhab ahaantii waan aaminsanahay.”
“Walwalka kaliya waa haddii ay aad ugu tiirsan yihiin Haaland, kaas oo haatan qaab fiican ku sugan, balse wali u baahan taageero ciyaartoyda kale.”
Be the first to comment