 
Kooxda Arsenal ayaa la kulantay dhaawacyo iyada oo ay ka dhaawacmeen xiddigahWilliam Saliba iyo Gabriel Martinelli,
Laakiin Bukayo Saka, Declan Rice, iyo Riccardo Calafioria ayaa ka badbaaday dhaawacyada.
Arteta ayaa ka welwelsanaa caafimaadka afarta ciyaaryahan ka dib markii ay dhaawacyo soo gaareen intii lagu jiray guushii Arsenal ay ka gaartay Crystal Palace Axaddii.
Saliba waxaa lagu qasbay inuu ka baxo ciyaarta kala badh, halka Calafiori iyo Rice labaduba laga beddelay ciyaarta qeybtii labaad.
Martinelli ayaa dhamaystay Ciyaarta laakiin si toos ayuu uga baxay garoonka markii ay ciyaartu Dhawaatay.
Arsenal waxay ciyaarta xigta ciyaari doonaan Arbacada habeenkii, markay martigelinayaan Brighton wareegga afraad ee Carabao Cup.
Arteta oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi“[Saliba] waa ka maqnaanayaa. Waxaan qiimeyneynaa xaaladiisa, laakiin ciyaartan ma ciyaari doono”
“[Martinelli] sidoo kale waxay u muuqataa inuu ka maqnaan doono. Waxaan u baahanahay, mar kale, inaan sameyno baadhitaano xaaladooda ah”.
Markii laga weydiiyey Saka, Rice iyo Calafiori, Arteta wuxuu xaqiijiyey in saddexduba “wanaagsan yihiin” isla markaana “ay Ciyaari doonaan”.
 
Be the first to comment