Gray Neville Oo Sheegay Dhibcaha Ay Arsenal U Baahanyihiin Si Ay Ugu Guulaystaan Premier League.

Halyeeygii Manchester United, Gary Neville, ayaa sheegay in Arsenal aysan u baahnayn inay gaarto 90 ama 100 dhibcood si ay ugu guuleysato horyaalka Premier League.

Neville ayaa doortay kooxda Arsenal inay yihiin kuwa ugu cadcad ee ku guuleysan kara horyaalka xilli ciyaareedkan.

Kooxda uu hoggaamiyo Mikel Arteta ayaa afar dhibcood ku haysa hoggaanka kala sarreynta, kaddib guushii 1-0 ee ay Axaddii ka gaareen Crystal Palace.

Arsenal ayaa sidoo kale toddobo dhibcood ka sarreysa kooxda hadda haysa horyaalka, Liverpool, iyo lix dhibcood ka horreysa Manchester City.

“kani waa in uu noqdo sanadkoodii miyaanay ahayj? Tan waa inay noqotaa sannadkooda,” ayuu Gary Neville ku yiri barnaamijkiisa podcast-ka.

“Tani waa xilli ciyaareedkii afaraad oo isku xigta ee aan ku saadaaliyo inay horyaalka ku guuleysanayaan, laakiin ma aha inay si weyn uga sarreeyaan kooxaha kale, waxay kaliya ku celinayaan heerarkooda joogtaynta, waana waxa kaliya ee ay u baahan doonaan sannadkan si ay horyaalka u qaataan.

“Ma aha inay u baahdaan 100 dhibcood, xitaa ma aha inay gaaraan 90 ama 95 dhibcood si ay horyaalka u qaataan kaliya waxa ay u baahanyihiin 80 dhibcood”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga