Kroos Oo Sharaxay Sababtii Ay Real Madrid U Garaacday Barcelona.

Xiddigii hore ee khadka dhexe ee Real Madrid, Toni Kroos, ayaa soo jeediyay sababta kooxdiisii hore ay 2-1 kaga adkaatay Barcelona ciyaartii El Clásico ee LaLiga ee lagu ciyaaray dhammaadkii usbuuca.

Laba gool oo ay kala dhaliyeen Kylian Mbappe iyo Jude Bellingham ayaa xaqiijiyay in Real Madrid ay kaga adkaato Barcelona garoonka Santiago Bernabéu.

Kroos wuxuu aaminsan yahay in Real Madrid (Los Blancos) ay Barcelona (Blaugrana) ku garaacday sababtoo ah ragga uu hoggaamiyo Xabi Alonso ay ciyaarta u galeen si caqli iyo xeelad sare leh.

Sida uu sheegay xiddiga reer Jarmal, Real Madrid sidoo kale waxay ka faa’iidaysatay qorshihii (tactics-kii) Barcelona.

Isagoo ka hadlayay barnaamijkiisa Einfach mal Luppen podcast, Kroos ayaa yiri (iyadoo laga soo xigtay Madrid Xtra):

“El Clásico? Aad ayaan ugu faraxsanahay in Real Madrid ay guuleysatay.”

“Guul si buuxda loo qalmay bay ahayd. Waxay ka faa’iideysteen qaab ciyaareedkii Barcelona. Natiijaduna waxay noqon kartay mid ka sarreysa qeybtii hore. Real Madrid waxay ciyaarta u galeen si aad u caqli badan,” ayuu yiri Kroos.

Ciyaarta xigta ee Real Madrid ayaa ah kulanka ay la yeelan doonaan Valencia Sabtida, tartanka LaLiga.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga