Garnacho Oo Sharaxay Sababtii Uu Ugu Biiray Chelsea.

Garabka Chelsea, Alejandro Garnacho, ayaa sharaxay sababta uu uga tagay Manchester United uguna biiray kooxda Chelsea.

Ciyaaryahanka caalamiga ah ee dalka Argentina ayaa ku biiray kooxda Chelsea xagaagii, isagoo ka yimid Manchester United.

Isbeddelkiisa uu ugu wareegay kooxda reer galbeed ee London ee Premier League-ka ayaa yimid kaddib markii uu khilaaf soo dhex galay isaga iyo tababaraha Manchester United, Ruben Amorim.

Si kastaba ha ahaatee, isagoo ka hadlayay sababta uu ugu biiray Chelsea, Garnacho wuxuu sharaxay in uu go’aansaday inuu u wareego garoonka Stamford Bridge maadaama ay u ahayd fursad weyn oo uu ku horumarin karo xirfadiisa ciyaareed, isagoo ka hoos ciyaaraya tababaraha Enzo Maresca.

“Markaan la hadlay kooxda iyo Maresca, waxa kale oo muhiim ah qaabka ciyaareed ee aan leenahay,” ayuu Garnacho u sheegay Sports Illustrated.

Wuxuu ii sharxay waxyaabo badan intii aan kula hadlay muuqaal wicitaan (video call). Waa fursad weyn oo aan ku horumari karo anigoo ciyaaraya koox sida Chelsea oo kale ah.”

Garnacho ayaa dhaliyay goolka kaliya ee Chelsea, xilli ay 2-1 kaga guuldarreysteen Sunderland ciyaartii Premier League ee toddobaadkan la soo dhaafay.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga