Mikel Obi: Arsenal Way Ku Qasabntahay In Ay Ku Guulaysto Horyaalka Halkan Arin Ayaana Sabab U Ah.

Xiddigii hore ee kooxda Chelsea John Mikel Obi ayaa sheegay in horyaalka Premier League uu xilli ciyaareedkan yahay mid ay Arsenal khasab tahay inay ilaashato.

Gunners ayaa ilaa hadda muujiyay qaab ciyaareed cajiib ah, iyagoo afar dhibcood ka horeeya kooxda ku xigta hogaanka kala sarreynta.

Kooxda Mikel Arteta ayaa sidoo kale si wayn uga horeysa tartamayaashooda Manchester City iyo Liverpool, iyagoo ka horreeya lix iyo toddobo dhibcood siday u kala horreeyaan.

Kadib markii uu hore uga dhaleeceeyay maskaxda ciyaartoyda, Mikel Obi ayaa hadda qiray in Arsenal ay leedahay kooxda ugu wanaagsan Yurub.

“Martinelli ayaa ka soo kacay kaydka isla markaas guulo u horseeday kooxda, Eze sidoo kale waxa uu kulamo badan kaydka kala soo kacay guul”ayuu Mikel Obi yidhi.

“Merino sidoo kale waa dhaawac. Havertz waa dhaawac. Ma jiro Odegaard, ma jiro Gabriel Jesus, taasi waa mid cabsi galin ah”.

“Haa, kooxda Arsenal hadda haysato… Mikel Arteta wuu ogyahay taas. Wuu ogyahay. Wuxuu ogyahay in horyaalka uu yahay mid ay Arsenal khasab tahay inay ilaashato.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga