
Halyeeyga Liverpool Jamie Carragher ayaa soo jeediyay goorta Manchester United ay shaqada ka eryi doonto tababarihoda Ruben Amorim.
Amorim ayaa haatan wajahaya cadaadis xoogan oo kaga imanaya kooxda Manchester United sababo la xiriira qaab ciyaareed liita oo ay kooxda xilli-ciyaareedkan muujisay.
Kooxda uu hoggaamiyo Amorim ayaa haatan ku jirta kaalinta 10aad ee Premier League ka dib markii ay ciyaareen toddobo kulan.
Si kastaba ha ahaatee, markii uu ka hadlayay Amorim, Carragher ayaa soo jeediyay in tababaraha reer Portugal uu ka tegi doono Old Trafford ka hor fasaxa Kirismaska.
Carragher ayaa yiri isagoo la hadlayay The Overlap Fan Debate:
“Ma jecli in aan dhaho tababare waa in la eryaa – waa hadal ixtiraam darro ah, waana shaqo ninkaasi leeyahay – balse waxaan gaaray meel aan aaminsanahay in shaqada Ruben Amorim aysan sii socon karin.”
“Waa wax aan laga fursan karin in arrintan [eryidda Amorim] ay dhacdo ka hor Kirismaska.”
“Tirakoobyadiisu waa kuwo la yaab leh marka loo eego tababare Manchester United ah — 50 kulan oo uu kooxda hogaaminayay, wuxuu dhaliyay laba gool oo kaliya ka badan inta laga dhaliyay.”
Be the first to comment