Emmanuel Petit Oo Saadaaliyay Kooxda Ku Guulaysan Doonta Premier League Xili Ciyaareedkan.

Ciyaaryahankii hore ee khadka dhexe ee xulka France, Emmanuel Petit, ayaa saadaaliyay in ay cidna ka joojin Karin Arsenal ku guulaysiga Premier League xilli ciyaareedkan.

Petit ayaa ka falanqeeyay kulamadii toddobaadkii hore isagoo la hadlayay talkSPORT Isniintii.

Kooxda Arsenal ayaa 2-0 uga badisay West Ham una gudubtay hogaanka miiska, kaddib markii Liverpool 2-1 looga badiyay Chelsea Sabtidii.

Petit ayaa haatan sheegay in ballaadhka ciyaartoyda uu Mikel Arteta haysto uu Arsenal u suurtagelin doono inay ugu dambeyn ku guuleysato horyaalka markii ugu horreysay muddo ka badan labaatan sano.

Wuxuu yiri:

“Waxaan rajeynayaa inay horyaalka qaadayaan. Runtii, waxaan aaminsanahay inay horyaalka qaadayaan.

Sababtoo ah fursadaha kala duwan ee Arteta ku heysto kursiga keydka iyo isbeddellada uu sameyn karo.”

“Sababta ugu weyn ee Arsenal u weysay horyaalka labadii xilli-ciyaareed ee la soo dhaafay waxay ahayd tartanka adag ee ay la lahaayeen Liverpool iyo Manchester City. Hadda arrintaas si weyn bay isu beddeshay.”

“Si daacadnimo ah, ma arko cid Arsenal ka hor istaagi karta ku guulaysiga premier League xilli ciyaareedkan”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga