
Faransiiska ayaa hadda la siman rikoodhka waddamada ugu guulaha badan abaalmarinta Ballon d’Or, taasoo ay horey u haysay Argentina.
Tani waxay timid kaddib markii weeraryahanka Paris Saint-Germain, Osumane Dembele, uu ku guuleystay abaalmarinta Ballon d’Or ee 2025, isagoo ka horreeyay ciyaaryahanka Barcelona, Lamine Yamal, habeenkii Isniinta ee ka dhacay magaalada Paris.
Kahor guusha xiddiga xulka France, Argentina ayaa haysay rikoodhka ugu badan ee Ballon d’Or, iyadoo 8 jeer la qaaday, dhammaanna waxaa ku guuleystay kabtankooda Lionel Messi.
Si kastaba ha ahaatee, Faransiiska ayaa hadda la siman Argentina iyadoo ay labadooduba haystaan 8 guulood oo Ballon d’Or ah.
Faransiiska waxa uu tan ku gaaray iyadoo ciyaartoy badan ay abaalmarinta ku guuleysteen, kuwaas oo ay ka mid yihiin Michel Platini, Zinédine Zidane, Karim Benzema, iyo Osumane Dembele.
Waddamada sida Jarmalka, Netherlands, iyo Portugal ayaa ku wada jira kaalinta saddexaad, iyagoo mid walba leh 7 guul.
Waddamada ugu guulaha badan Ballon d’Or kaddib guusha Dembele:
Argentina – 8
France – 8
Germany (Jarmal) – 7
Netherlands (Holland) – 7
Portugal – 7 (oo ay ku jiraan 5 jeer uu ku guuleystay Cristiano Ronaldo)
Italy – 5
Brazil – 5
England – 5
Be the first to comment