
Tababaraha Manchester United, Ruben Amorim, ayaa sheegay in ciyaartoydiisa ay lumiyeen diiradda markii ay barbaro 1-1 ah la galeen Fulham Axadii.
Emile Smith Rowe ayaa ka soo kacay kursiga kaydka si uu u dhaliyo goolka bar-baraha kadib markii uu Leny Yoro u dhaliyay goolka furitaanka Kulankii Fulham.
Bruno Fernandes ayaa rigoore ka qasaariyay kooxdiisa labada gool ka hor.
Isagoo la hadlayay Sky Sports ciyaarta ka dib, Amorim wuxuu yiri: “Waxaan u maleynayaa inaan wax wanaagsan sameynay daqiiqadaha qaar, gaar ahaan bilowgii ciyaarta”
“Ka dib goolkii, waxaan kaliya ka fekereynay natiijada, kooxdaan waxay u baahan tahay inay badiso kulamada, sidaas darteed waxaan u baahanahay inaan diirada saarno qaab ciyaareedka iyo waxa aan u baahanahay inaan sameyno, sababtoo ah hadii aan diirada saarno natiijooyinka, waxaan ilownaa inaan sameyno waxyaabaha caadiga ah”
“Waanu fiicnayn ilaa waxa aan dhalinay Gool waxana ay ahayd in aan samayno wax ka duwan waxa aan samaynay hadii ay tahay in aanu kubada maamulno laakiin ma aanan ahayn kuwo fiican”.
Be the first to comment