Jules Kounde Oo Doortay Xiddiga U Qalma Abaalmarinta Ballon d’or Sanadka 2025.

Daafaca caalamiga ah ee France, Jules Kounde, ayaa iska indhatiray ciyaartoyda dalkiisa, Kylian Mbappe iyo Ousmane Dembele Xilli uu dooranayay xiddiga ugu cad-cad Abaalmarinta xiddiga ugu fiican Sanadka.

Xafladda Ballon d’Or ayaa lagu qaban doonaa Paris 22-ka Sebtember waxaana lagu qaban doonaa Théâtre du Châtelet, Kounde ayaa aaminsan in saaxiibkiis Lamine Yamal uu u qalmo abaalmarinta qaaliga ah.

Xiddigaha ay Kounde isku dalka yihiin ee Dembele iyo Mbappe ayaa ku jira liiska 30-ka ciyaaryahan ee ay dhawaan soo saartay France Football, oo ah qabanqaabiyeyaasha abaalmarinta.

Ciyaartoyda aan kor ku soo xusnay waxa ay ahaayeen kuwo aad ugu wanagsan qaab ciyaareedkii ay u soo bandhigeen kooxaha iyo dalka 2025, iyaga oo ka caawiyay kooxahooda in ay ku guuleystaan koobab badan.

Kounde ayaa la weydiiyay haddii abaalmarinta shaqsiga ah ee ugu sharafta badan la siiyo saaxiibkiis Yamal xiddiga reer France ayaa yidhi”in aan Yamal u doorto Abaalmarinta? Waxa Aad i dhigayaaa meel adag? laakiin waxan u malaynayaa in uu u qalmo”.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga