
Federico Chiesa ayaa lagu soo waramayaa inuu go’aansaday inuu sii joogo Liverpool xagaagan ka dib markii uu Luis Diaz ka tagay.
Chiesa, ayaa xagaagii hore ugu soo biiray Liverpool qiimo dhan 10 Milyan oo euro waxaana lala xiriirinayay inuu ka tagayo si uu u raadsado ciyaaris badan.
Fabrizio Romano ayaa ku waramaya in Chiesa uu ku wargaliyay Reds rabitaankiisa ah in uu baaqi ku sii ahaado garoonka Anfield inkasta oo uu daqiiqado ka maqnaa.
Liverpool ayaa la Soo saxiixatay xiddigaha Ekitike iyo Florian Wirtz xagaagan laakiin waxa ka tagay Nunez iyo Diaz.
Taas ayaa keentay in uu Chiesa go’aansado in uu Sii joogo kooxda Liverpool Xilli Ciyaareerdkan.
Chiesa ayaa dhaliyay gool kulankii ay Liverpool ka badisay Bournemouth Kulankii furitaanka Xilli Ciyaareerdka.
Be the first to comment