Saddex Xiddig Oo Dib U Dhigaya Saxiixa Garnacho Ee Chelsea

Saddex ciyaaryahan ayaa lagu soo waramayaa inay dib u dhigayaan u dhaqaaqista garabka Manchester United Alejandro Garnacho xagaagan Chelsea.

Wargayska The Telegraph ayaa sheegaya in ay kooxda chelsea doonayso in ay dhamaystirto saxiixa xiddiga RB Leipzig ee Xavi Simons iyo iibka Christopher Nkunku iyo Nicolas Jackson.

Marka Blues ay xalliso heshiisyadaas, waxay dhmaaystiri Doontaa saxiixa Garnacho.

Natiijo ahaan, Garnacho ayaa lagu soo waramayaa inuu sii wadi doono inuu sugo u dhaqaaqistiisa Chelsea si uu u gaaro xagaagan.

Garnacho ayaa doonaya kaliya in uu ku biiro kooxda chelsea hadii uu ka tago United suuqa kala iibsiga xagaagan.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Argentina, ayaa si cad u sheegay inuu doonayo inuu ku biiro kooxda Chelsea, waxaana uu durba heshiis shaqsi ah la gaaray Blues.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga