
Real Madrid ayaa dhawaan la xiriirtay Arsenal iyaga oo wax iska waydiiyay heshiis is-dhaafsi ah oo ay isku dhaafsanayaan xiddigaha Rodrygo iyo William Saliba.
Sida laga soo xigtay The Touchline, Arsenal ayaa diiday soo jeedinta, iyadoo cadeysay inay kaliya ku doonayaan Rodrygo heshiis toos ah.
Real Madrid ayaa dooneysa inay Saliba keento Santiago Bernabéu xagaagan, halka Arsenal ay sidoo kale xiiseyneyso saxiixa Rodrygo.
Saliba ayaa ka mid ah xiddigaha ugu fiican kooxda Arsenal sanadihii ugu dambeeyay.
Be the first to comment