
Tababaraha kooxda Liverpool Arne Slot ayaa sheegay in ay kooxda Chelsea horyaalka Kula tartamayso kooxdiisa Xilli Ciyaareerdkan.
Slot ayaa u doortay Blues inay u tartamaan xilli ciyaareedkii hore, laakiin waxay ku dhameysteen kaalinta afaraad.
Tababaraha reer Holland ayaa mar kale Chelsea u arka koox la tartami karta Liverpool.
Liverpool ayaa ku guuleysatay horyaalka Xilli Ciyaareerdkii ugu horeeyay ee Slot, waxana ay guul ku bilowdeen Difaacashada horyaalka premier league Xilli Ciyaareerdka Cusub.
Laakin Slot ayaa durbaba u eegaya Chelsea inay khatar ku tahay hammigooda ah inay sii haystaan.
“Waxaan filayey inay ku guuleysan doonaan xilli ciyaareedkii hore mar hore,” ayuu u sheegay talkSPORT.
“Tirada tayada ay leeyihiin iyo waxay joogeen bilowgii xilli ciyaareedka, waxay ku jireen [tartanka horyaalka] toban kulan ka dib, wali way joogeen [bishii December].
“Tirada xiddigaha iyo tayada ay haystaan sidoo kale tababare cajiib ah oo ay haystaan waxaana qabaa inay tan ku muujiyeen ku guuleysiga koobabkii ay ku guuleysteen xilli ciyaareedkii hore.”
Be the first to comment