Tim Sherwood Oo Saadaaliyay Kooxda Ku Guulaysan Doonta Premier League Xilli Ciyaareerdka Iyo 4-ta Sare.

Tababarihii hore ee Tottenham Hotspur, Tim Sherwood, ayaa u saadaaliyay Liverpool inay ku guuleysan doonto horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan.

Sherwood ayaa sidoo kale taageertay kooxahaManchester City (labaad), Arsenal (saddexaad), iyo Chelsea (afaraad) inay ku dhameystaan afarta sare ee Premier League xilli ciyaareedkan.

Markii la weydiiyay inuu saadaaliyo in kooxda ay ku guuleysan karto horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan, Sherwood ayaa yiri, sida laga soo xigtay website-ka Premier League: “Liverpool.”

Isaga oo sharaxaya dookhiisa ayuu yidhi”waxay sameeyeen saxiixayo cajiib ah waxayna leeyihiin maskax guulaysata.”

Isaga oo saadaalinaya 4-ta Kooxood Ee Ugu saray ayuu Sii raaciyay”4-ta Kooxood Ee Ugu saraysa waxa ay noqon doonaan Liverpool, Man City, Arsenal iyo Chelsea”.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga