Arsenal Mise Tottenham? Eberechi Eze Oo Doortay Kooxda Uu Ku Biirayo.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Crystal Palace, Eberechi Eze, ayaa ku wargeliyay kooxda Arsenal inuu doonayo inuu ku biiro kooxda ay xafiiltamaan ee Premier League, Tottenham Hotspur.

Eze ayaa xagaagan oo dhan lala xiriirinayay kooxda Arsenal kuwaas oo doonayay In ay ku xoojiyaan kooxda.

Laakiin 27-sano jirkaan ayaa haatan lagu soo waramayaa inuu ogolaaday shuruudaha shaqsiga ah si uu ugu biiro kooxda Thomas Frank.

Sida laga soo xigtay khabiirka suuqa kala iibsiga ee kubada cagta, Fabrizio Romano Eberechi Eze ayaa ku wargaliyay Crystal Palace horaantii isbuucaan rabitaankiisa ku biirista Tottenham.

“Wadahadalada ayaa u socda sidii Eze uu ugu biiri lahaa Tottenham Hotspur suuqa xagaaga.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga