Liverpool Oo Guul Ku Bilaabatay Difaacashada Premier League

Liverpool ayaa bar-baro guul wakhti dambe ka gaadhay kooxda Bournemouth kulan ka tirsanaa premier league Xilli Ciyaareerdka Cusub.

Kulanka ayaa ahaa mid ah Liverpool maamulayso ciyaarta iyaga oo ka awood badnaan kooxda Bournemouth kuwaas oo difaac ku jiray.

Daqiiqadii 37-aad ayay Liverpool dhalisay goolka 1-aad waxan u dhaliyay weeraryahanka Ekitike kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0.

Qaybtii dambe ayay Liverpool ku bilaabatay SI dar-dar leh iyaga oo doonayay in ay Sii wadaaan goolasha.

Daqiiqadii 49-aad ayay Liverpool dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Gakpo kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0.

Laakiin Bournemouth ayaa ka yaabsatay Liverpool waxana ay Goolka 1-aad ka dhaliyeen daqiiqadii 64-aad waxana u dhaliyay xiddiga Semenyo ka Hor inta uuna daqiiqadii 74-aad Dhalin goolka 2-aad ahna goolka bar-baraha.

Si kasta ha haaatee Liverpool ayaan is dhiibin waxana ay daqiiqadii 88-aad dhaliyeen Gool waxana u dhaliyay xiddiga Chiesa kaas oo hogaanka ku Soo celiyay kooxdiisa.

Daqiiqadii 90+4 ayay Liverpool dhalisay goolka 4-aad waxana u dhaliyay xiddiga Salah kaas oo kooxdiisa ku hogaamiyay guul Kulankooda ugu horeeyay Xilli Ciyaareerdka.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga