
Iyadoo taageerayaashu ay u fadhiyaan daawashada furitaanka Premier League jimcahaan, waxaa laga yaabaa inay is waydiiyaan Sababta Uu Ryan Gravenberch u seegi doono Kulanka.
Xiddiga khadka dhexe ee Liverpool ayaa ciyaaray 37 ka mid ah 38-dii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka xilli ciyaareedkii hore.
Xiddiga ayaa fure u noqday isaga oo Liverpool ka caawiyay in ay ku guulaysato premier league.
Laakiin, inkasta oo uu kulankani yahay kulankii ugu horeeyay ee xilli ciyaareedkan, Gravenberch waxa uu ka fadhiisan doonaa kulanka Bournemouth sabab la xidhiidha ganaax.
Gravenberch ayaa kaarka cas loo taagay kulankii ugu dambeeyay ee Liverpool xilli ciyaareedkii hore.
23-sano jirkaan ayaa kaarka cas oo toos ah loo taagay kulankii ay barbaraha 1-1 la galeen Crystal Palace seddex bilood ka hor.
Be the first to comment