Arsenal Mise Man United? Ferdinand Oo Saadaaliyay Kulanka Labada Kooxood.

Daaficii hore ee xulka qaranka England Rio Ferdinand ayaa saadaaliyay natiijada kulanka Premier league ee u dhexeeya kooxaha Arsenal iyo Manchester United kaas oo soo bixi doona inta lagu jiro todobaadka.

Arsenal ayaa u safri doonta Manchester United si ay Red Devils ugu wajahdo Old Trafford Axadda kulankeeda furitaanka xilli ciyaareedka 2025-26 ee Premier League.

Rio Ferdinand oo horay ugu soo ciyaaray Manchester United ayaa saadaaliyay in labada kooxood ay barbaro ku kala bixi doonaan.

Labada dhinacba waxa ay ciyaarta la gali doonaan weeraryahano cusub oo hogaaminaya weeraradooda.

Isagoo ka hadlayay kanaalka uu ku leeyahay YouTube, ciyaaryahankii hore ee England ayaa barbardhac  Saadaaliyay in ay bar-baro 1/1 ah ku kala bixi doonaan Labada Kooxood.

“Waxan saadaalinayaa in ay ku dhmaato ciyaarto bar-baro l, waxan saadaalinayaa in ay ku dhmaato 1/1”.

 

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga