Gary Lineker Oo Shaaciyay Hal Xaalad Oo Ay Arsenal Ugu Guulaysan Karto Premier League Xilli Ciyaareerdkan.

Weeraryahankii hore ee England, Gary Lineker, ayaa sheegay in Arsenal ay kaliya ku Guulaysan Doonto horyaalka hadii uu Viktor Gyokeres qaab Ciyaareerd fiican ku bilowdo waayihiisa Arsenal.

Gunners ayaa xagaagan Gyokeres kala soo wareegtay Sporting CP lacag dhan 63 milyan oo gini.

27 jirkaan ayaa dhaliyay 54 gool 52 kulan oo uu ciyaaray tartamada oo dhan xilli ciyaareedkii hore.

Lineker ayaa sheegay in uu xiddiga reer Sweden Soo bandhigo qaab Ciyaareerd la mid ah midkii uu ku Soo qaatay Sporting Lisbon hadii ay Arsenal fursad u helayso ku guulaysiga premier league.

“Fursadaha Arsenal waxay ku xidhnaan doontaa sida uu Gyökeres u Ciyaaro, waxaan ula jeedaa in uu dhaliyay gool aad u fiican xilli ciyaareedka ka hor, laakiin dhamaanteen waan ognahay in ka hor xilli ciyaareedka uusan ahayn mid muhiim ah”.

“Marka waxaan u maleynayaa in wax badan ay ku xirnaan doonaan isaga, laakiin waxaan ognahay inuu heli doono adeeg wanaagsan, waxaan u maleynayaa inay mar kale ku soo dhowaan karaan.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga