
Chelsea ayaa loogu baaqay inay la soo wareegto Marc Guehi, gaar ahaan ka dib markii la xaqiijiyay dhaawaca dheer ee Levi Colwill.
Daafaca Blues ayaa laga yaabaa inuu maqnaado xilli ciyaareedka oo dhan ka dib markii qaliin looga sameeyay dhaawac jilibka ah.
Enzo Maresca ayaa isha ku haya in Colwill oo dhaawacan uu ku badalo saxiix cusub ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.
Tababaraha Chelsea ayaa xoojinta daafaca ka dhigay mudnaanta ugu weyn ka Hor inta uuna xidhmin suuqa xagaaga.
Isagoo hadlayay ka dib guushii saaxiibtinimo ee ay ka gaareen Bayer Leverkusen jimcihii, talyaaniga ayaa sharaxay: “Mudnaanta ayay ii tahay, haa, sababtoo ah Levi waa ciyaaryahan cajiib ah.
“Wixii aan ku guuleysanay xilli ciyaareedkii hore door weyn ayuu ka ciyaaray waxaan sidoo kale isku dayeynaa inaan helno xalal kala duwan.”.
Maresca ayaa hadda si sax ah loo sheegay cidda ay tahay inuu bartilmaameedsado si uu ugu guulaysto Premier League Xilli Ciyaareerdka Cusub.
Adrian Durham ayaa aaminsan in ku soo laabashada Guehi Stamford Bridge ay Chelsea ku soo afjari doonto sagaal sano oo ay sugaysay koobka.
“Haddii Chelsea ay la Soo saxiixato Marc Guehi ka soo ceshato Crystal Palace waxaan u maleynayaa inay Chelsea ku guuleysan karto horyaalka”.
“Waan ogahay in aan ku idhi Arsenal laakiin waxa aanu la hadlaynaa dhawr todobaad oo ka hadhay suuqa”.
Be the first to comment