
Tababarihii hore ee Manchester United, Erik ten Hag, ayaa sheegay in Cristiano Ronaldo aanu ahayn dhibtaada haysata kooxda Man United wakhtigii uu hogaaminayay kooxda.
Ronaldo ayaa ka tagay Old Trafford markii labaad bishii December 2022.
Ka bixistiisu waxa ay daba socotay khilaaf soo kala dhexgalay xiddiga iyo Tababaraha.
Si kastaba ha ahaatee, Ten Hag ayaa hadda isku dayay inuu caddeeyo duruufaha keenay in qandaraaska Ronaldo la joojiyo.
“Aniga wax dhib ah iguma ahayn, aniga wax dhib ah iguma ahayn”.
“Waxa aan qabaa in la soo dhaafay, taasi waa wakhti la soo dhaafay, wixii dhacay way dheceen, Man United waxa aan kula guulaysanay 2 koob, waxa aan u rajaynayaa nasiib wacan”.
Be the first to comment