DEG-DEG: Darwin Nunez Oo Ku Dhaw In Uu Ka Tago Liverpool,Kooxdee Ayuu Ku Wajahanyahay.

Kooxda Al-Hilal ayaa ku dhaw saxiixa xiddiga kooxda Liverpool ee Darwin Nunez sida ay sheegayaan wararku.

Darwin Nunez ayaa la filayaa in uu ka tago kooxda Liverpool inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaaga.

Sky Sport ayaa sheegaysa in ay Liverpool Iyo Al-Hilal ka heshiiyeen qiimaha xiddiga reer Uruguay.

Kooxda Al-Hilal ayaa xiddiga Darwin Nunez ka bixinaysa lacag dhan 56.6 milyan euro si ay u hesho saxiixa Nunez.

Xiddiga reer Urugauy ayaa ka tagaya Liverpool kadib markii uu ku dhibaatooday kooxda xilli ciyaareedkii hore.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga