WARBIXIN: Isak -> Liverpool. Eze -> Arsenal Iyo Saxiixyada Waaweyn Ee Dhici Kara Maalamaha Soo Socda.

Suuqa kala iibsiga ayaa ahaa mid mashquul badan iyada oo kooxo badan xoojinayaan kooxda ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub.

kooxo badan ayaa sameeyay saxiixyo badan laakiin wali waxa ay ku mashquulsanyihiin in ay xoojiyaan kooxda.

Tan ilaa bilowgii suuqa xagaaga kooxaha premier League ayaa ku mashquulsan suuqa iyaga oo lacag badan galiyay.

Si kasta ha ahaatee wali waxa dhici kara saxiixyo badan inta uu furan yahay suuqa xagaaga.

Warbixintan waxa aan ku soo bandhigi doonaa saxiixyada laga yaabo in ay dhacaan inta uuna xidhmin suuqa Xagaaga.

Alexander Isak (Newcastle to Liverpool):

Liverpool ayaa mar hore jabisay rikoorka suuqa kala iibsiga ee Ingiriiska, waxaana laga yaabaa inay mar kale sameyso,Issak uma badna in lagu heli karo wax ka yar 150 milyan ginni, laakiin tiradaas ayaa weli hoos u dhici karta toddobaadyada soo socda – gaar ahaan haddii Newcastle ay hesho beddelkiisa.

Benjamin Sesko (RB Leipzig to Man Utd ama Newcastle):

Weeraryahanka Slovenia Sesko waa mid ka mid ah dookhyada Newcastle laakiin maaha kooxda kaliya ee doonaysa saxiixiisa Manchester United ayaa sidoo kale weli dooneysa weeraryahanka si ay ugu xoojiyaan weerarka.

Ebere Eze (Crystal Palace to Arsenal):

Arsenal ayaa mar hore mashquul ku ahayd suuqa iyada oo la soo saxiixatay xiddigo ay ka mid yihin Viktor Gyokeres, Martin Zubimendi iyo Noni Madueke. U dhaqaaqista Eze waxay soo gabagabeyn doontaa suuqooda.

Jadon Sancho (Manchester United to Juventus):

Chelsea ayaa iska diiday in ay si toos ah ula wareegto Sancho kadib amaah ay ku qaadatay laakiin xiddiga ayaa wali la filayaa in uu ka tago United iyada oo ay haatan ugu cad-cadahay Juventus.

Darwin Nunez (Liverpool to Al Hilal):

Liverpool ayaan kaliya ku mashquulsanayn soo iibsiga xiddigaha waxa ay sidoo kale ku mashquulsantahay iibinta ciyaartoyadeeda Nunez ayaana haatan ku dhaw in uu ku biiro kooxda Al-Hilal.

Marc Guehi (Crystal Palace to Liverpool)

Oh, ma u malaysay inaan dhammaynay saxiixyadii Liverpool? Waxay wali u baahan yihiin daafac dhexe ka dib markii ay u ogolaadeen Jarell Quansah inuu ku biiro Bayer Leverkusen, xiddiga heerka caalami ee dalka England Guehi ayaa weli ah bartilmaameedka ugu sarreeya ee Reds.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga