
Magacyada ilaa shan ciyaartoy oo ka tagi kara kooxda Chelsea suuqan xagaaga ayaa la shaaciyay.
Sida laga soo xigtay The TouchlineX xiddigaha ka tagi doona Chelsea ayaa kala ah Marc Guiu, Armando Broja, Christopher Nkunku, Nicolas Jackson iyo Raheem Sterling.
Ka bixitaankii ciyaartoyda ee Stamford Bridge ayaa fure u ah Chelsea inay hesho saxiixyo cusub xagaagan.
Chelsea ayaa doonaysa in ay xoojiso kooxdeeda xagaagan suuqa kala iibsiga.
Blues ayaa horay ula soo saxiixatay xiddigo ay ka mid yihiin Liam Delap iyo Joao Pedro xagaagan.
Kooxda ka dhisan Galbeedka London ee Premeir League ayaa diyaar u ah inay saxiixyo badan ku darto ka hor inta uusan bilaaban xilli ciyaareedka cusub ee Premier League.
Be the first to comment