Tottenham Oo Garaacday Arsenal Kulan Ka Dhacay Hong-Kong.

Kooxda Arsenal ayaa guuldaro kala kulantay kooxda Tottenham kulan ka tirsanaa isku diyaarinta labada kooxood ee xilli ciyaareedka cusub.

Arsenal iyo Tottenham ayaa ku kulmay magaalada Hong-Kong  kulan ay labada kooxood isugu diyaarinayaan xilli ciyaareedka cusub.

Xiddiga Pape Matar Sarr ayaa gool ka dhaliyay kubad uu ka laaday bartmaha garoonka isaga oo ka faa’iidaystay khalad uu sameeyay Goolhayaha Arsenal.

Xiddiga Sarr ayaa daqiiqadii 45-aad dhaliyay goolka ay Totteham ku badisay kulan labada kooxood is badalo badan sameeyeen qaybtii adambe ee ciyaarta.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga