Michael Owen Oo Saadaaliyay 3 Kooxood Oo Ku Tartami Kara Premier League Xilli Ciyaareedka Cusub.

Michael Owen ayaa ku qiimeeyay Liverpool inay tahay kooxda ugu cad cad ee ku guulaysan karta Premier League xili ciyaareedka soo socda wuxuuna si layaableh hoos ugu dhigay fursadaha Man City.

Kooxda Liverpool ayaa ku guulaystay premier League xilli ciyaareedkii ugu horeeyay ee Arne Slot.

Owen ayaa la dhacsan suuqa Liverpool isaga oo sheegay in ay kooxdiisii hore ugu cad-cadahay in ay difaacato premier League.

Liverpool ayaa la soo saxiixatay xiddigo ay ka mid yihiin Florian Wirtz, Jeremie Frimpong, Milos Kerkez Iyo Hugo Ekitike waxana lala xidhiidhinayaa Alexander Isak.

“Liverpool waxa ay horyaalka ku qaaday toban dhibcood xilli ciyaareedkii hore inkasta oo ay laba dhibcood ka heshay afartii kulan ee ugu dambeeyay iyaga oo aan si dhab ah isku dayin”ayuu Owen ku yidhi talkSPORT.

“Waxa ay horyaalka ku qaadi lahaayeen 20 dhibcood”.

“Waxa ay cid walba ku qaadan doontaa dadaal dheeraad ah si ay u soo qabtaan Liverpool sababta oo ah way sii xoogaysanayaan way adkaan doontaa in la soo qabto”.

“Kooxaha kula tartamid doona horyaalka waxa ay noqon doonaan Arsenal Iyo Chelsea”ayuu ii raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga