Arsenal Oo Diyaar U Ah In Ay Iska Iibiso 6 Ciyaartoy.

Kooxda reer England ee Arsenal ayaa isku diyaarinaysa in ay iska iibiso lix ciyaartoy inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan, sida ay sheegayaan wararkii ugu dambeeyay.

Wariye Darmith Sheth ayaa soo wariyay in kooxda reer London ay diyaar u tahay in ay xiddiga Reiss Nelson ka iibiso kooxda Fulham.

Waxa uu tilmaamay in Arsenal ay rajaynayso dhawaan inay dalabyo u helaan xiddigaha Oleksandr Zinchenko, Samby Lokonga, iyo Fabio Vieira.

Dhanka kale waxaa soo baxaya warar sheegaya in Borussia Dortmund, Napoli iyo Atalanta ay xiiseynayaan saxiixa Leandro Trossard, iyadoo Arsenal lagu soo waramayaa inay diyaar u tahay inay iska iibiso.

Magacyada laga yaabo inay ka tagaan Gunners waxaa ka mid ah weeraryahanka reer Brazil Gabriel Jesus, kaasoo lala xiriirinayo kooxo dhowr ah.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga