
Kooxda Man United ayaa guul weyn ka gaadhay kooxda Bournemouth kulan ka tirsanaa isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.
Kulanka ayaa ahaa mid Ay Man United ku soo gashay xiddigo u badan kuwii sii joogay kooxda xilli ciyaareedkii hore.
Xiddiga Ramus Hojlund ayaa dhaliyay goolka 1-aad daqiiqadii 8-aad isaga oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.
Xiddiga Patrick Dorgu ayaa daqiiqadii 25-aad dhaliyay goolka 2-aad halka uu Amad Diallo dhaliyay goolka 3-aad.
Xiddiga Ethan Williams ayaa daqiiqadii 72-aad dhaliyay goolka 4-aad ee kooxda Man United.
Daqiiqadii 88-aad ayuu daafaca Matthijs de ligt si khaldan gool isaga dhaliyay.
Be the first to comment