Man City Oo Dhamaystirtay Saxiixa Goolhaye Cusub

Manchester City ayaa dhameystirtay saxiixa gool haye James Trafford oo ay kala soo wareegeen Burnley iyadoo Newcastle United ay raadineyso bedel kale. 22-sano jirkaan, oo markii hore ka tagay Etihad kuna biiray Turf Moor 2023, ayaa dib ugu biiray kooxda isaga oo qalinka ku duugay heshiis 5 Sano ah.

Saxiixa ayaa loo arkaa inay qayb ka tahay qorshaha City ay ku doonayso inay dib ugu dhisto qaybteeda goolhayayaasha ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub.

Man city ayaa goolhayaha ka soo bixisay lacag dhan 40 milyan oo euro.

City ayaa saxiixa James Trafford ku garaacday kooxda Newcastle oo doonaysay saxiixiisa.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga