
Tababaraha kooxda Arsenal, Mikel Arteta, ayaa ka dhawaajiyay in Viktor Gyokeres uu Bukayo Saka ka badali doono qaadashada rikoodhada kooxda xilli ciyaareedka cusub.
Saka waxa uu masuul ka ahaa rigooreyaal tan iyo markii uu Alexandre Lacazette ka tagay kooxda, laakiin mararka qaar waxa uu u daayay kabtanka Martin Odegaard.
Laakiin labada ciyaaryahan ayaa rikoodhayaal khasaariyay xilli ciyaareedyadii ugu dambeeyay.
Gyokeres, intii uu ku sugnaa Sporting CP, waxa uu dhaliyay 19 gool xilli ciyaareedkii hore.
Arteta, oo hadlayay ka dib guushii 3-2 ay ka gaareen Newcastle Axadii, ayaa yiri: “Waan hubaa inuu soo geli doono haddii ay u oggolaadaan inuu sidaas sameeyo.
“Sababtoo ah sida aad sheegtay wuxuu ahaa mid joogto ah, wuxuuna dhaliyay goolal badan, laakiin waxaan haysanaa xiddigo kale oo rikoodhada laadan kara”.
“Sidaas darteed iyaga ayaa ku heshiin doona ma soo dhexgali doono”.
Be the first to comment