
Aston Villa ayaa si degdeg ah u diiday dalab amaah ah oo uga yimid Manchester United oo ay kaga doonaysay saxiixa Goolhayaha Emiliano Martinez, sida ay sheegayaan wararku.
Tababaraha kooxda Man United Ruben Amorim ayaa doonaya saxiixa Goolhaye cusub kadib dhaawacii soo gaadhay Andrea Onana.
Onana ayaa garoomada ka maqnaan doona bilowga xilli ciyaareedka cusub ee Premier League sababtoo ah muruqa.
Laakiin Red Devils ayaa ku guuldareysatay isku daygii ay ku dooneysay Martinez heshiis amaah ah ka dib markii ay la soo xiriireen isbuucaan, Daily Mail ayaa qortay.
Horay waxaa loo aaminsanaa in Martinez uu diyaar u noqon karo suuqa kala iibsiga xagaagan sababo la xiriira xaalada dhaqaale ee Villa.
United ayaa muddo dheer lala xiriirinayay 32 jirkaan, kaasoo la sheegay inuu doonayo inuu u dhaqaaqo kooxda, waxaana lagu heli karaa ku dhawaad 40 milyan oo euro.
Waxaa loo maleynayaa in Martinez uu diiday fursad uu ugu dhaqaaqi lahaa Boqortooyada Sacuudiga Pro League horaantii xagaagan.
Be the first to comment