Pogba Oo Doortay Xiddiga Ugu Cad-cad Ku Guulaysiga Ballon d’Or 2025

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Monaco, Paul Pogba ayaa u doortay weeraryahanka Paris Saint-Germain Ousmane Dembele inuu ku guuleysto Ballon d’Or 2025.

Pogba ayaa sidoo kale qirtay in ciyaartoyda PSG, Achraf Hakimi iyo Vitinha ay wanagsan yihiin xilli ciyaareedkan, isagoo intaa ku daray in Dembele uu yahay ciyaaryahanka ugu cadcad ku guuleysiga Ballon d’Or.

Isagoo la hadlayay iShowSpeed, Pogba ayaa ku adkeystay in saaxiibkiis uusan waligiis ku guuleysan doonin Ballon d’Or haddii uusan sanadkan ku guulaysan.

Xiddigii hore ee Manchester United ayaa xusay in xiddigii hore ee Barcelona iyo Dortmund uu muhiim u ahaa PSG ku guuleysiga UEFA Champions League.

“Waxan ku taageerayaa Dembelen 100%, wuxuu ku guuleystay UCL, wuxuu ahaa mid muhiim ah xilli ciyaareedkan,” ayuu yiri Pogba.

“Haddii uusan ku guuleysan sanadkan, waligiis ma dhici doono, Hakimi iyo Vitinha ayaa sidoo kale ahaa kuwo aad u fiican, Dembélé ayaa ah kan ugu cadcad Ballon d’Or.”

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga