
Barcelona ayaa laga yaabaa inay wajahdo dhibaato La Liga ah oo ku saabsan diiwaangelinta Marcus Rashford xagaagan.
Kooxda heysata horyaalka LaLiga ayaa ogolaatay heshiis amaah ah oo ay ku qaadaneyso Rashford suuqa xagaagan.
Saxiixa xiddiga reer England ayaa lagu dhawaaqi karaa saacadaha soo socda.
Si kastaba ha ahaatee, Sky Sports ayaa ku warameysa in Barcelona aysan awoodi doonin inay diiwaan geliso Rashford sababo la xiriira dhanka dhaqaalaha.
Sidaaa darteed Barcelona ayaa u baahan in ay iib samayso ama xiddigo ku dirto amaah si ay boos ugu hesho Rashford.
Be the first to comment