
Kooxda PSG ayaa xasuuqday Real Madrid kulan ka tirsanaa semi-final tartanka koobka kooxaha adduunka.
Kulanka ayaa ahaa mid hal dhinac ah oo ay PSG ka awood sheegatay Kooxda Real Madrid.
Xiddiga Fabian Ruiz ayaa daqiiqadii 6-aadba PSG u dhaliyay goolka 1-aad ka hor inta uuna daqiiqadii 9-aad Demebele dhalin goolka 2-aad.
Xiddiga Ruiz ayaa soo laabtay daqiiqadii 26-aad waxana uu dhaliyay goolka 3-aad ee kooxdiisa.
Xiddiga Ramos ayaa dhaliyay goolka 4-aad ee u quus gooyay kooxda Real Madrid iyada oo kooxda PSG ku badisay 4/0.
Be the first to comment