XASAASI: Heshiiskii Uu Viktor Gyökeres Ugu Biirayay Arsenal Oo Halis Ku Jira.

Ku biiristii Viktor Gyökeres ee Arsenal ayaa halis ugu jira in uu bur-buro sabab la xidhiidha heshiis la’aan ka yimid qiimaha xiddiga iyada oo wadahadaladu socdaan.

Arsenal ayaa muhiimada siinaysa saxiixa xiddiga reer Sweden iyada oo Arteta doonayo in uu xoojiyo kooxdiisa ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub.

Gyökeres ayaa la fahamsan yahay in uu heshiis shan sano ah la gaaray kooxda ka dhisan Waqooyiga London, waxaana uu sugayay in labada kooxood ka heshiiyaan qiimaha.

Si kastaba ha ahaatee, warar cusub ayaa sheegaya in wada-hadalladu gaaree meel adag Isla markaas heshiisku halis ku jiro.

Sida laga soo xigtay Record, wada xaajoodyadu ma socon tan iyo isbuucaan, iyadoo labada naadi ay ku qotomeen booskooda qiimeynta ciyaaryahanka.

Arsenal ayaa la sheegay in ay miiska u saartay dalab qiimihiisu yahay 65 milyan oo euro iyo 15 milyan oo euro oo guno ah.

laakiin Sporting ayaa dalabanaysa lacag dhan 80 milyan oo euro.

Ismari waa ka dib, wakiilada Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay ku soo laabteen London iyagoo ka yimid Lisbon heshiis la’aan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga