Daaficii hore ee Manchester United, Rio Ferdinand ayaa qirtay inuu ka niyad jabi doono haddii xiddiga Napoli ee Victor Osimhen uu ku biiri waayo Man United taas badalkeedana ku biiro kooxda Galatasaray.
Osimhen ayaa ku dhaw in uu ku biiro kooxda reer Turkey ee Galatasaray oo uu amaah ku qaatay xili ciyaareedkii hore.
Ninka udhashay wadanka Ingiriiska ayaa sidan sheegay mar ay wada sheekeysanayeen xidiga Tennis-ka ee Nick Kyrgios oo ka tirsan talkSPORT.
Wuxuu sheegay in Man United ay u baahan tahay saxiixa Osimhen ka dib markii ay weyday Viktor Gyokeres, kaasoo ku dhow inuu ku biiro Arsenal.
“Osimhen waa uu garanayaa sida goolasha loo dhaliyo heerka sare,” Ferdinand ayaa yiri.
“Waxaan arkay in Galatasaray ay dalab 50 milyan ah ka gudbisay saxiixa Osimhen”
“Waan ka niyad jabi doonaa hadii Osimhen uu u aado Galatasaray waliba uu ku aado lacag 50 milyan ah marka la eego in United u baahantahay weeraryahan”.
Be the first to comment