Real Madrid Oo Codsatay In Dib Loo Dhigo Kulanka Furitaanka La Liga Xilli Ciyaareedkan.

Real Madrid ayaa ka codsatay La Liga in dib loo dhigo kulanka furitaanka horyaalka La Liga ee ay la ciyaarayaan Osasuna, kaasoo loo qorsheeyay 19ka Bisha August.

Shabakadda Isbaanishka ee Cope ayaa ku warantay in sababta ka dambeysa codsigaan ay tahay iyadoo la waayay waqti ku filan oo ay ciyaartoyda ku nastaan, iskuna diyaariyaan, taasoo ay ugu wacan tahay ka qeyb galka kooxda ee Koobka Kooxaha Adduunka, oo xagaagan lagu qabtay dalka Maraykanka.

Warka ayaa intaa ku daraya in Real Madrid ay heshiis horudhac ah la gaartay kooxda Osasuna iyo xiriirka kubadda cagta Spain oo ku aadan in kulanka la qabto 29-ka October, waxaana ay hadda sugeysaa ogolaanshaha horyaalka La Liga.

Madaxweynaha La Liga Javier Tebas ayaa dhaleeceeyay rabitaanka Real Madrid ee ah in ay dib u dhigto kulankeeda furitaanka ee horyaalka Spain.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga