Chelsea Oo Arsenal U Sheegtay Halka Waddo Ee Ay Ku Heli Karaan Noni Madueke

Warar ay baahiyeen saxaafada ayaa daaha ka qaaday lacagta ay Chelsea dalban doonto si ay Noni Madueke ugu ogolaato inuu ku biiro Arsenal inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Arsenal ayaa doonaysa in ay kooxdeeda ku xoojiso saxiixa Noni Madueke oo ka tirsan kooxda Chelsea kaas oo laga yaabo in aanu si joogto ah u ciyaarin ama xitaa ku soo bilaaban kooxda xilli ciyaareedka dambe.

Sida laga soo xigtay wargayska The Telegraph ee ka soo baxa Ingiriiska, Chelsea ayaa dalban doonta lacag dhan 50 milyan oo euro i ay u ansixiyaan saxiixa Noni Madueke xagaagan.

Wadahadalada u dhaxeeya Arsenal iyo wakiilada Madueke ee lagu doonayo in lagu dhameeyo heshiiska ayaa ah mid si xawli ah u socda, waxaana la arki doonaa sida ay wax u dhici doonaan saacadaha soo socda iyo in la dhameystiri doono heshiis dhexmara dhinacyada oo dhan.

Ma cadda in Arsenal ay lacagtan ku qarash gareyn doonto saxiixa 23 jirkaan, iyadoo la isla dhex marayo in ay diyaar u tahay kaliya 40 milyan oo euro.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga