Arsenal Oo Shaacisay Numberka Uu Zubimendi U Qaatay Kooxda.

Kooxda Arsenal ayaa ku dhawaaqday in ay heshiis wakhti dheer ah ka saxiixatay xiddiga khadka dhexe ee xulka qaranka Spain iyo kooxda Real Madrid ee Martin Zubimendi.

26-sano jirkaan ayaa ugu soo biiray aduun dhan €65m waxana uu noqday saxiixii 2-aad ee Arsenal suuqa kala iibsiga xagaagan.

Zubimendi ayaa la aaminsan yahay in uu qalinka ku duugay heshiis 5 sano ah oo uu ku joogi doono Emirates ilaa xagaaga 2030.

Halkii uu dhaxli lahaa Lambarkii Partey waxa uu qaatay Numberka 36-aad ee kooxda Arsenal.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga